Masuul Goordhow lagu Weeraray Muqdisho

Waxaa goor dhow degmada Dharkinley ee Gobolka Banaadir lagu rasaaseeyay gaari uu leeyahay guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee degmadaasi Cabdullaahi Xassan Afrax.

Dabley hubeysan oo saarney gaari NOAH ah ayaa lagu soo waramayaan in rasaas ay ku fureen gaariga, Xilli uu ku sugnaa xaafada Taba kaanyo cagaar ee degmadaasi Dharkinley.

Waxaana ku dhaawacmay weerarkaasi darwalka guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada Dharkinley, iyadoo uu ku dhaawacmay wiil yar oo la shegay in uu dhaqayay gaariga masuulkaasi.

Balse maamulka degmada Dharkinley ayaa xaqiijiyay in gaariga uusan la socon, xilliga weerarka guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada Cabdullaahi Xassan Afrax.

Waxaana maamulku uu sheegay in ciidamada amaanku ay wadaan baritaan ku aadan weerarkaasi, iyadoo raggii ka danbeeyay ay isaga baxsadeen Goobtaasi.

Inta badan weerarda nuucaani oo kala ah ayaa ku soo laa laabta Magaalada Muqdisho, iyadoona Toddobaadkii hore xildhibaan ka tirsan Golaha Aqalka Sare gaarigiisa lagu weeraray degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

You might also like More from author