Masar oo maanta lagu qabanayo 56-sano guuradii kasoo wareegtay aas-aaska Ururka Midnimada Afrika.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dalka Masar Dr Ashraf Subxi ayaa sheegay in maanta oo sabti ah Dalka Masar ay ku qabanayaan munaasabad lagu xasuusanayo ururka Midnimada Afrika.

Taariikh ahaan waxaa la aas-aasay sanadkii 1963-dii, waxaana magacaan Ururka Midnimada Afrika laga badalay sanadkii 2002-dii, isaga oo loo badalay Ururka Midowga Afrika.

56-sano guuradii kasoo wareegtay bilawgii Ururkaan ayaa maanta lagu qabanayaa Magaalada Aswan, waxaana ka qaybgalaya Wakiilo kala duwan oo ka kala socda Dalalka Xubnaha ka ah Ururkaan.

Madaxweynaha Masar Cabdifitaax Al-siisi ayaa khudbadda furitaanka jeedinayo sida ay kusoo warantay Warbaahinta Masar oo soo xiganeysa Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Masaarida Ashraf Subxi.

Waxyaabaha la is weydiinayo waxaa kamid ah, 17-sano kadib markii Magaca laga badalay Ururkii la oran jiray Midnimada Afrika ee loo badalay Ururka Midowga Afrika iyo guulaha uu gaaray.

Dood ay soo jeedin doonaan Ardayda Jaamacadda Cayn Shamsi ee la aas-aasay 1950-kii ee ku taalla Dalka Masar waxa ay diiradda ku saari doonaan Isbadalada ay doonayaan in Ururkaan uu la yimaado, Suugaan ka tarjumeyso Dhaqamada Dalalka Xubnaha ka ah Ururka iyo khudbooyin kala duwan.

Wufuudda dalalka lagu marti qaaday oo ay Dowladda Masar shaacisay waxa ay kala yihiin: South Sudan, Kenya, Congo, Sudan, Mali, Guinea, Morocco, Algeria, Ghana, Uganda, Madagascar, Mauritania, Zimbabwe, Kenya, Democratic Republic of Congo, Cameroon, Ivery Coast, Somalia, Eritrea, Gabon, Benin, Nigeria, Tanzania, iyo dalka marti-gelinaya ee gypt.https://scontent-mrs2-1.xx.fbcdn.net/v/t1.15752-9/

You might also like More from author