Masar Oo Ku Baaqday In Deg deg looga Heshiiyo Doorashada Soomaalia

Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa wafdi uu hogaaminayo waxay kusugan yihiin Magaalada Qaahira,waxaana wafdiga qeyb ka ah Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya Xasan Macalin Khaliif.

Kulan dhexmaray Wasiir C/risaaq iyo Dhigiisa Dalka Masar ayey kaga hadleen xoojinta xiriirka Labada Dal iyo in laga shaqeeyo arimo badan oo dhanka Iskaashiga Dhaqaalaha,Ganacsiga iyo Amni sugida ah.

Masar ayaa ugu baaqday dhinacyada Soomaalida inay deg deg udhameeyaan khilaafka Doorashada kusaabsan loona diyaariyo Dalka in hormar la gaarsiiyo.

Wasiirka Arimaha Dibada Masar,Saamix Shukhri ayaa sheegay in dhigiisa Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq uu kala hadlay Ahmiyada Gobolka & Hormarinta Qaarada Africa.

Kulamada ayaa ahaa mid kusoo dhamaaday Is afgarad iyo sii socoshada Xiriirka Qotada wanaagsan labada Dal ka dhaxeeya.

Wasiir Maxamed C/risaaq ayaa la kulmay Xubnaha Safaarada Soomaaliya ee Ku leedahay Magaalada Qaahira,isagoo ku booriyey howlaha ay hayaan.

You might also like More from author