Masar oo Dowlad Deegaanka Soomaalida ka gacansiineysa hormarinta dhaqaalaha.

Danjiraha Dowladda Masar ee Itoobiya Usama Cabdikhaaliq iyo Wasiirka Maaliyadda Itoobiya ahna Gudoomiyaha Xisbiga Dimuqraadiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa kulan gaar ah ku yeeshay Magaalada Addis Ababa.

Waxa ay kaga wada hadleen sidii Dowladda Masar ay u taageeri lahayd Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Waxyaabaha Xukuumadda Qaahira ka gacansiineyso Dowlad Deegaanka waxaa kamid ah: sare u qaadista Horumarinta dhaqaalaha.

Wargeyska Al-ahram ee kasoo baxa Masar ayaa sheegay in kulanka uu kusoo dhamaaday is afgarad dhexmaray labada dhinac.

Dowlad Deegaanka Soomaalida oo isbadal dhanka maamulka ah ku dhacay ayaa wada qorshe sare loogu qaadayo dhaqaalaha.

You might also like More from author