Markab Xamuul qaada oo dab ka kacay & Qarax La Maqlay

Walxo qarax oo kale ah ayaa laga maqlay Markabka xamuulka qaada dushiisa kadib markii dab uu ka kacay.

Magaalada Manila caasimada Dalka filibiin wararka ka imaanaya ayaa sabtida maanta ah waxay sheegayaan in Markab yar oo kuwa xamuulka daabula ah uu dab ka kacay.

Ilaa Lix qof oo la socotay shaqaalaha markabkana ka mid ahaa ayaa dhaawac gubasho ah kasoo gaaray dabka.

Bad maaxiyiin ugurmaday markabkaasi ayaa waxay ku guuleysteen in baqtiijiyo inkastoo weli lasoo tebin waxa keenay in dabka uu ka kaco.

Degmada lagu magacaabo Tondo ayaa meel udhaw markabka uu marayey kana tirsan Gobolka Palawan.

MV Titan 8 ayaa magaciisa lagu sheegay markabka,iyadoo saaka xilliga 9:00 subaxnimo marka ay saacadu aheyd waddanka Filibiin uu shilkaan dhacay.

Goob joogayaal iyo Ilaalada Xeebaha ayaa laga soo xigtay in la arkay qiiq ka dul baxayey markabka dabka ka kacay.

You might also like More from author