Mareykanka oo xubno ka mid ah Al-shabab ku dilay Buuraleyda Goolis

Mareykanka oo xubno ka mid ah Al-shabab ku dilay Buuraleyda Goolis

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in duqeyn ka dhacday Gobolka Bari ee Puntland SOomaaliya ay ku dileen saddex ka mid ah Ururka Al-shabab ee ka dagaallama Buurahaas.

Taliye ku xigeenka agaasimaha howlgallada Africom Robert Huston, ayaa sheegay in ay beegsadeen goob ay ku sugnaayeen xubno Al-shabab ah oo ku taalla Gobolka Bari halkaasna ku dileen saddex ka mid ah Al-shabaab

Taliye ku xigeenka ayaa intaas raaciyay in duqeymaha Mareykanka ah ee ka dhanka ah Al-shabab iyo Daacish ay hoos u dhigeen weerarradii dhinaca dhulka ee ay kooxahaasi ku qaadi jireen saldhigyada AMISOM, iyo kuwa Dowladda Federaalka ah.

Waxaa kale oo uu sheegay in duqeymahaas ay hoos u dhigeen qorashada AL-shabaab iyo Al-shabab ay ku sameyn jireen dhallinyarada ku nool degaannada ay ka howlgalaan ee Soomaaliya.

Duqeynta shalay ka dhacday Gobolka Bari waa tii 6aad oo ka dhan ah Al-shabab, Mareykankana uu ka geysto sanadkan,waxaana weerarkii ugu darnaa ahaa kii 14kii April lagu diley hoggaamiye ku xigeenkii Al-shabab ee Soomaaliya.

You might also like More from author