Mareykanka oo Shaaciyay Tirada Askarta Daacish & Al shabaab ee Somalia ka dagaalama

Milatariga dalka Mareykanka ayaa sheegay in tirada Ciidamada u dagaalama Al-Shabaab ay gaarayaan 4,000 illaa 6,000 oo askari.

Waxa ay warbixintooda ku sheegeen in Al-Shabaab ay ka mid yihiin Ururada ugu waaweyn Caalamka ee ka farcama Al-Qaacidda.

Waxa ay sheegeen in Al-Qaaciddada Afrika ay sii kordhayaan marka loo eego Soomaaliya iyo Gobollada Waqooyiga iyo galbeedka Afrika.

Mareykanka waxa ay sheegayaan in 4,000-6,000 oo Askarta Al-Shabaab ah ay aad ugu hawlgalaan Soomaaliya kuwaas oo caqabad ku ah amniga meelo badan oo ka mid ah Bariga Afrika.

Ururka Daacish ayey warbixintu sheegtay in ay tiro ahaan aad u yar yihiin,waxaana lagu sheegay 75 illaa 80 Askari oo kaliya, kuwaas oo ka dagaallama Buuraleyda Maamul Goboleedka Puntland ee Waqooyi Bari Soomaaliya.

Dhinaca kale Warbixinta Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in Al-Qaacidda qaybteeda dalka Mali ay tiradoodu gaareyso 800 oo Askari,kuwaas oo iyaguna weerarro ku haya Ciidamada Nabad illaalinta ee Qaramada Midoobay iyo dowladda uu caalamku taageersan yahay ee dalka Mali.

Mareykanku waxa uu warbixintiisa ku sheegay in dagaalyahannada Ururka Boko Haram ay gaarayaan 1,500oo Askari halka Daacishta Galbeedka Afrika ay haysato Ciidan gaaraya 3,500.

You might also like More from author