Mareykanka oo ka hadlay duqeyn ka dhacday Jubada dhexe

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Nin ka mid ahaa Al shabaab ay ku dileen Gobolka Jubada dhexe  kaddib duqeyn ka dhacday Gobolkaas.

War saxaafadeed ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in weerarkaas oo dhacay 24kii Bishan lagu dilay qof oa mid ahaa Al-shabaab.

Mareykanku waxaa uu sheegay in weerarlka uu ka dhacay Degmada Jilib e Gobolka Jubada dhexe islamarkaana aanay jirin cid wax ku noqotay.

Dhinaca kale Al-shabaab ayaa sheegay in duqeyn ka dhacday agagaarka Kuunya Barrow lagu dilay Nin Beeroley ahaa oo xilliga la duqeynayay Gaari watay.

Al-shabaab oo soo bandhigay Sawirrada iyo codad laga duubay ehelka Aboow Cali Waardiyoow ayey ku sheegeen in Mareykanka uu duqeeyay Gaarigiisa.

Mareykanka wali kama hadlin duqeynta laga soo wariyay Gobolka Shabeelaha hoose,waxaana sii kordhaya duqeynta uu Mareykanka ka geysanayo Soomaaliya.

You might also like More from author