Mareykanka oo Fiiso u diiday Gabadha saaxiibka la ah Ra’isalwasaaraha UK oo timid Somaliya

Dowladda Mareykanka ayaa fiisaha u diidday Gabadha saaxiibka la ah Ra’isalwasaaraha Dalka Uk Boris Johnson.

Waaxda socdaalka Mareykanka ayaa soo diiday codsi fiiso oo ay dirsatay Carrie Symonds, waxaana sababta lagu sheegay in sanad ka hor ay booqasho ku timid Soomaaliya.

Haweeneydan ayaa dooneysay in ay Mareykanka u tagto hay’ad ka shaqeysa arrimaha degaanka oo ay xubin ka tahay laakiin waaxda Socdaalka Mareykanka ayaa ku wargelisay in ay booqatay dalka Soomaaliya.

Soomaaliya waxaa ay ka mid tahay dalalka uu dadkooda ka mamnuucay Trump in ay tagaan dalka Mareykanka.

Mareykanka ayaa fiisaha u diida dadka Reer Galbeedka ah ee taga dalalka Iraq, Syria, Iran, Sudan, Libya, Somalia iyo Yemen.

Haweeneydan ayaa waxa saameeyay go’aanka Trump,waxaana ay sidaa ku seegtay shaqadii ay ka qaban lahayd  Mareykanka.

You might also like More from author