Mareykanka oo faah faahiyay khasaaraha weerarkii ka dhacay Puntland

Dowladda Mareykanka ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay khasaaraha ka dhashay weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ka geysteen Gobolka Bari ee SOomaaliya.

War ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayuu ku sheegay in lix ka mid ah Ururka Daacish ku dhinteen duqeynta ka dhacday Buuraleyda Goolis ee Puntland.

Warka ayaa intaas ku daray in weerarkaas ay wadajir u fuliyeen Ciidamada Mareykanka iyo kuwa SOomaaliya iyada oo intaas lagu daray in dowladda Soomaaliya ka warqabtay.

Buuraleyda Goolis ayaa waxaa ku wada sugan AL-shabaab iyo Daacish halkaas oo ay dhowr jeer ku dagaallameen,waxaana intaas u dheer in labaduba uu Mareykanka dagaal kula jiro.

Dowladda Mareykanka ayaa weerarkani u yahay kii 8aad ee sanadkan 2019 ka fuliso Buuraleyda Goolis gaar ahaanna kuwa sida gaarka ah loola beegsado Daacish.

Weerar dhacay 14kii April ayaa lagu dilay hoggaamiye ku xigeenkii Daacish,waxaana uu weerarkaas ka dhacay Tuulo hoostagta degmada Qandala ee Gobolka Bari

You might also like More from author