Mareykanka oo eedeyay Ruushka

Aqalka cad ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in Ruushku uu damacsan yahay in Ukraine u adeegsado hub kiimiko ama mid biological ah.

Xoghayaha warfaafinta, ee Aqalka Cad ayaa tilmaamay in Ruushka uu mararsiyo ka dhigan rabo war been ah oo uu ku sheegay in Maraykanka uu Ukraine ku leeyahay xarumo lagu farsameeyo hub khatar ah.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo mas’uuliyiin ka tirsan dowladaha Galbeedka ay sheegeen inay “aad uga walaacsan yihiin” in dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine uu yeesho weji cusub.

Waxa ay walaac gaar ah ka muujiyeen suuragalnimada ah in Ruushka uu dagaalka u adeegsado hubka mamnuuca ah ee khatarta badan.

You might also like More from author