Mareykanka oo duqeyn ka geystay Shabeellaha hoose

Dowladda Mareykanka ayaa sheegatay in ay saaka weerar ka geysatay Degaanka Kuunya Barroow ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Qoraal ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in duqeyntaas lagu dilay mid ka mid ah Al-shabaab.

Duqeynta ayaa lagu sheegay in lagu garab siinayay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya,waxaana intaas lagu daray in aysan jirin khasaare nafeed oo soo gaaray shacabka degaankaas ku nool.Image

You might also like More from author