Mareykanka oo Ciidamadiisa kala baxaya dalka Ciraaq

Washinton: Madaxweynaha dalka Mareykanka joe Biden ayaa sheegay in ciidamada ka jooga dalka Ciraaq uu kala baxayo dhamaadka Sanadkaan.

Madaxweynaha Mareykanka waxaa uu sheegay in go,aankaan uu yimid kadib wada hadal saacado badan qaatay uu la yeeshay R/wasaaraha dalka Ciraaq Mustafa Al-kadimi oo Washington hadda jooga.

Shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen M/weynaha Mareykanka iyo R/wasaaraha Ciraaq ayuu joe Biden ku sheegay in uu ciidamadiisa kala baxaayo Ciraaq hadane ay sii wadi doonaan tababarista ciidamada Ciraaq iyo taakuleyntooda.

Sidookale R/wasaaraha Ciraaq Mustafa Al-khadimi ayaa isna sheegay markiisa sheegay inay soo dhawaynayaan in ciidamada Mareykanka ay dalkiisa ka baxaan.

Qiyaastii ku dhawaad 3 kun oo askari oo Mareykanka ah ayaa jooga dalka Ciraaq, kuwaas oo ka qeyb qaata dagaalka ka dhanka ah Ururada hubeydsan ee Daacish ka mid yahay.

You might also like More from author