Maraykanka oo ka hadlay sababta ciidamada Ruushka uga wada baxeen Kyiv

Wasaaraddda gaashaandhiga Maraykanka ayaa sheegtay in ciidamada Ruushka ay si dhamaystiran uga baxeen magaalada Kyiv ee caasimada dalka Ukraine.

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa jiray warar sheegaya in ciidamada Ruushka ay iskaga baxeen aagga Kyiv balse Marylanku waxa uu haatan sheegayaa in uu xaqiijiyay in Ruushku gabi ahaanba uu iskaga baxay halkaasi.

Ruushka ayaa lasheegayaa in dagaalka uu ka wado Ukarine xoogiisa uu iskugu keenayo dhanka bari ee Ukraine xilli dowladda dalkaasi ay codsanayso in lasiiyo hub dheeraad ah oo ay iskaga difaacaan ciidamada Ruushka.

You might also like More from author