Maraykanka Oo Baaq U Diray Jubbaland Iyo Hirshabeelle

Maraykanka ayaa baaq ku aaddan arrimaha doorashooyinka dalka ka socda waxaa uu  mar kale u diray Qaar ka mid ah Maamul Goboleedyada dalka, kuwaasi oo aan wali soo dahmmeystirin arrimaha doorashooyinka dalka, gaar ahaan Golaha shacab Baarlamaanka 11aad.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Hirshabelle inay si dhaqso ah u soo dhameystiraan xubnaha Baarlamaanka ee ku harsan, ayna fillayaan dhaarinta Xildhibaannada ee loo qorsheeyay 14 April.

Qoraalka uu Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa Sidoo kale uu ku booriyay wadahadal iyo isu tanaasul si loo xaqiijiyo in si nabad ah, oo ballaaran lana aqbalay in lagu soo gabagabeeyo hannaanka doorashada Soomaaliya.

You might also like More from author