Maraakiib ay lahaayeen Ruushka & Japan oo isku dhacay & Shaki laga muujiyey

Ilaa seddex qof ayaa ku dhintay kadib markii ay isku dhaceen  labo Markab oo ay lahaayeen Waddamada Ruushka iyo Japan.

Badda Oqotiski ayaa shilka uu ka dhacay,seddexda qof ee dhintay ayaa ahaa bad maaxiin la socday Markabka Japan laga lahaa.

Meel ku dhaw Jasiirada Hoka’iidho ayuu shilka ka dhacay,weli lama ogaan in markabka Japan si kas ah loogu dhacay iyo in shil kama ah uu ahaa.

Xukuumada Tokyo ayaa sheegtay in baaritaan ay wadaan taliska ciidankeeda Badda islamarkaana ay dib kasoo gudbin doonaan faah faahino wixii soo kordha.

Dhanka Dawlada ruushka wax war ah lagama hayo oo ku aadan shilkaasi dhacay.

You might also like More from author