Maqaayad lagu laayey dad ku caweenayeen Magaalada Dhuuso mareeb

Xalay Abaare 9:00 fiidnimo ayaa Koox hubeysan waxay weerar ku qaadeen maqaayad ay dad shacab ah ku caweeenayeen Magaalada Dhuuso mareeb.

Goob joogayaal ayaa sheegay in mar keliya la arkay kooxdaan hubeysan Oo rasaas ooda kaga qaaday meesha dadkii fadhiyey.

Inta la og yahay 3 qof dhintay 2 kalena waa ay dhaawacmeen iyadoo Dableyda Weerarka geysatay oo watay Gaari nuuca loo yaqaano (probox) ay weerarka kadib meesha ka baxsadeen.

Ciidamada Amaanka ayaa howlgalo baaritaan ah waxay ka sameeyeen Magaalada mana jirin cid loo soo qabtay oo ay warbaahinta la wadaageen dhacadadaasi.

Lama oga kooxda weerarka fulisey halka ay  katirsan yihiin mana cada in weerarka uu salka ku hayo dilal aano qabiil ah oo dhowr jeer Gobolka Galgaduud kusoo laab laabtay.

You might also like More from author