Maleeshiyad hubaysan oo dad shacab ah ku gowracaday dalka Congo.

Maleeshiyada isku magacowda Ciiddanka Isbahaysiga Dimuqraadiyada ee loo soo gaabiyo ADF ee dalka Uganda ayaa la sheegay ina y 3 qof gowraceen Gobalka Ituuri ee dalka Koongada Dimuqraadiga.

Warbaahinta Maxaliga ayaa sheegtay in uu weerarkaasi ahaa kii ugu dambeeyey ee ay Maleeshiyada ADF ka geystaan Waqooyiga dalkaasi.

Madaxa Koox Bulshada Rayidka ee Deegaankaasi oo lagu magacaabo Kinoos Katuho ayaa sheegay in 3 Haween ah surka looga jaray Tuulladda Mabingi ee Galbeedka Degmadda Oyja ee Xuduudka Beni ee Gobalka North Kivu ee dalkaasi.

Waa Weerarkii labaad ee ay Maleeshiyadda ADF todobaadyadaan ka geystaan Deegaankaasi, Khamiistii la soo dhaafay waxa ay 2 qof oo rayid ah ku dileen Tuulladda Mabarundu.

Xukumadaa Koongada Dimuqraadiga ayaa ku guuldaraysatay in ay wax ka qabato tacadiyada ka dhan ah dadka rayid ah ee ay gaystaan Maleeshiyada isku magacowda Ciiddanka Isbahaysiga Dimuqraadiyada ee Koofurta dalkaasi ka dagaalanta.

You might also like More from author