DHAGEYSO: Maleeshiyaad Xirtay Wadada Loo marayey Dhuuso mareeb

Maleeshiyaadkani oo wata gaadiid dagaal ayaa waxay maanta diideen in gaadiidka safarka ah maraan wadada aada Dhuuso mareeb,iyagoo xirtay Halka loo yaqaano Mareer gur iyo Godinlabe inta udhaxeysa.

Ninka hogaaminaya Maleeshyaadkani waxa uu sheegay in ay Qalan qaale ka yimaadeen culeys deegaankooda ku qabsaday awgeedna ay hubka usoo qaateen.

Waxa uu ku goodiyey in Maamulka galmudug la dagaalami doonaan hadii xoog la isku dayo in lagu maquuniyo hayeeshee wada hadal ay ogolaan doonaan.

Mar uu soo hadal qaaday dadka musaafurka ah ayuu sheegay in ay wadada xiran tahay oo ay dib ugu laabtaan meelaha ay ka yimaadeen.

Ilaa hadda ma jirto war kasoo baxay dhinaca Maamulka galmudug oo ay kaga hadlayaan Maleeshiyaadkani diiday isku socodka Wadada muhiimka ah ee Dhuuso mareeb loo marayey.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author