Maleeshiyaad dad ku dilay degaan ka tirsan Gobolka Mudug

Wararka laga helayo deegaanka Xanan-Buure ee Bariga Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in maleeshiyaad hubeysan ay weerar sababay dhimasho iyo dhaawac ku qaadeen Qoys Xoolo dhaqato ah oo ku nool deegaankaas.

Inta la xaqiijiyay weerarkaas ayaa waxaa ku geeriyooday 2 Ruux halka  Saddex  kalena ay ku dhaawacmeen,kuwaas oo dhaawacooda la geeyay Isbitaalka Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Mid ka mid ah dadka Deegaanka Xanan-Buuro oo dhaca Bariga Magaalada Gaalkacyo Ee Gobolka Mudug ayaa sheegay in dilkaas uu la xiriiro aanooyin qabiil,isla markaana maleeshiyaadkii ka dambeeyay ay goobta ka baxsadeen.

Deegaano dhaca Bariga Gobolka Mudug ayaa waxaa tira ka dhowr jeer ka dhacay dagaalo u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed,waxaana weli ka hadlin weerarkii xalay ka dhacay deegaanka Xanan Buuro Maamulka gobolka Mudug oo deegaan ahaan uu hoostago deegaanka uu weerarka ka dhacay.

You might also like More from author