Majaajiliiste Caan ka ahaa Muqdishu oo Geeriyooday

Mid ka midaa Majaajilista-yaasha  caanka ka ahaa Soomaaliya ayaa ku geeriyooday  magaalada Muqdishu.

Aweys Madaxey oo ka mid ahaa Majaajilista-yaasha dadka ka qosliya ayaa ku geeriyooday muqdishu  xili Aweys uu soo wajahay  maalmihii dambe Xanuun.

Aweys  waxa uu ahaa Majaajiliiste ka qosliya bulshada soomaliyed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho isla markaana ay Bulshada gabi ahaanba jeclaayeen maadaama  dad farabadan ay aad u xiiseyn jiriin  majaajiladiisa qosol ka laheyd.

Allah u naxariistee Aweys oo ku caan ahaa Madaxeey waxaa  dhanka caloosha looga sameeyey Qaliin kadib xanuun xaga caloosha kasoo wajahay .

Inkastoo Aweys uu dadka ka qoslin jiray hadane in badan oo ka midaa bulshada waa ay tabi doonaan  majaajiliste Aweys Madaxeey .

INAA LI -LAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN!

BY: MOHAMED YAHYE JINOW  

You might also like More from author