Mahdi Guuleed oo Maanta la kulmay Danjire Mudlaq Al Qaxtaani

Ergeyga Gaarka ah Ee Wasaarada Arimaha Dibada uqaabilsan dhex dhexaadinta Qatar Dr mudlaq Al Qaxtaani ayaa waxa uu kulamo gaar gaar ah weli ka wadaa Magaalada Muqdisho.

Maanta oo talaado ah waxa uu la kulmay Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

“Waxa aan la kulmay ergeyga gaarka ah #Qatar Dr. Mutlaq alQahtani, waxa aannu ka wada hadalnay arrimaha doorashada, siyaasadda iyo iskaashiga labada dal.

2

Sidaas waxa qoraal kooban soo dhigay bartiisa gaarka ah Mahdi Guuleed,mana uu faah faahin waxyaabaha ay isku afgarteen isaga iyo Al Qaxtaani.

Tan iyo markii uu Sabtidii soo gaaray Muqdisho Ergeygaan Dawlada Qatar waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaatay Madaxda Dawlada federaalka,xubno katirsan Murashaxiinta Madaxweyne utaagan,Gudoomiyaha Gobolka Banaadir,Madaxda Dawlad Gobolleedyada Dalka ka jira marka laga reebo Axmed Madoobe iyo Siciid Deni.

Warar ayaa sheegaya in Bulshada rayidka uu qorsheenayo Dr Mudlaq Al Qaxtani la kulmo wakhtiyada soo aadan,si uu uguda galo xal ka gaarista khilaafka siyaasi ee doorashada Soomaaliya ka dhalatay.

You might also like More from author