Mahad Salaad oo kashifay Sababta uu u Baaqday Kulankii Baarlamaanka

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa goordhow Bartiis Facebook ku shaaciyay sababta uu u baaqday Kulankii Baarlamaanka Maanta.

Mahad Salaad ayaa banaanka soo dhigay qorshe loo dhigay Xildhibaanada ka soo horjeeda go’aanka Xukuumada ee arinta Qalbi dhagax.

Wuxuu sheegay in Wadooyinka Magaalada Muqdisho laga xirtay Xildhibaanada, isla markaana kuwa ka tirsan Wasiirada oo sidoo kale Xildhibaano ah gawaari lagu daabulay oo la geeyay xarunta golaha shacabka.

Xildhibaanka wuxuu sheegay in qorshahaan ay la timid xukuumada Ra’iisul wasaare Kheyre oo ka cabsi qabta inay kalsoonida kala laabtaan Mudanayaasha Baarlamaanka.

Guddoomiye Jawaari ayaa goordhow digniin u diray Xildhibaanada Baarlamaanka ka dib markii Kooram uu ku furmo ay soo xaadiri waayeen.

You might also like More from author