MAGACAABISTII CALI YARE KADIB MAXAA AYAANLE-CEYR DILAALKA UGU BILOWDEEN ?

MAGACAABISTII CALI YARE KADIB MAXAA AYAANLE-CEYR DILAALKA UGU BILOWDEEN ?

MAGACAABISTII CALI YARE KADIB MAXAA AYAANLE-CEYR DILAALKA UGU BILOWDEEN ?

14 November 2020 ayaa Cali yare loomagacabay Gudoomiye K/X Amniga iyo Siyaasadda ee Gobolka Benadir. Cali Yare waxa uu Goobaha Fadhi-ku-dirirka ka sheegtaa in uu u taaganyahay sidii dhalinyarada Ayaanlle -Ceyr ay hay’adaha kala duwan ee Dowladda Shaqo uga heli lahaayeen. Hayeeshii waxaa shaki weyn kasoobaxaayaa Magacaabistii Cali Yare kadib Dhacdooyin badan oo Reer Ayaanle ku dhacay Muddo laba Bil ah gudahood ah.
Si dagan isku dultaag dhibaatooyinkaan ku dhacay Reer Ayaanle.
1- 20 Aktoobar 2020 : Waxaa qarax lala eegtay kabadbaaday Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Qaranka Col. Koofi Aadan.
2- 12 November 2020 : waxaa qarax lala beegsaday ka badbaaday Gudoomiyahii Degmada Hodan AUN C/xakiin Dhagajuun.
3- 05 December 2020 : waxaa xilka laga xayuubiyay Agaasimha Shaqada iyo Shaqaalaha Madaxtooyada Qaranka Abdulkadir Diiriye
4- 17 December 2020 waxaa xilka lataliyaha Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka laga qaaday Cali Baashi Cabdillahi
5- 26 December 2020 waxaa gabi ahaanba laga eryay wasaaradda Caafimadka Ahmed Hersi Olaad oo ahaa Madaxa Cilmi Baarista ee Waaxda Qorsheynta ee Wasaaradda Caafimaadka JFS.

Sedexdaan Qof waxaa si Rasmi ah u sheegtay in uu ka danbeeyay in Shaqada laga Ceyriyo Cali Yare, ujeedkiisuna yahay kaliya in asaga iyo Raggaasi isku aragti ka aheyn kursiga HOP 147.
6- 13 January 2021: Waxaa lagu dilay Deeegaanka Xersi lugeey ee hoos taga Degmada Balanballe Galgaduud 5 wiil oo Reer Ayannlle ah, halka Sedex kalana lagu dhaawacay Weerar bahalnimo ah oo la sheeegy in uu Aano-qabiil salka ku haayo walise ma lama xaqiijin.
7- 21 January 2021 : Waxaa Weerarar Saqdhexe lagu diley Gudoomiyihii Degmada Hodan Gobolka Benadir AUN C/xakiin Dhagajuun.
8- 31 January 2021: Weerrar lagu qaaday Hotelka Afrik Mogadishu waxaa lagu dilay 9 qof oo 4 kamid ah ay yihiin reer Ayanlle uuna kamid ahaa Aun Gen. Maxamed Nuur Galaal.
9- 31 January 2021: Cali yare Waxaa uu bartiisa Facebook kusoo daabacay Liis ka kooban 23 xubnood dhalinyaro ah oo uu ku sheegey in uu ka shaqaaleysiiyay Gobolka Benadir, laakiin waxaa si toos ah u beeniyay Gudoomiye K/X Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Benadir Caano boore iyo Agaasimaha waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha Gobolka Benadir Muuse Dheere,
10- 07 February 2021: Qarax Miino oo dhulka lagu-aasay Deegaanka Ceel dheere ee u dhexeeya Dhusmareeb iyo Guriceel waxaa ku geeriyooday Taliyaha NISA Dhusmareeb Qooje yare iyo 10 kamid ah Ilaaladiisa islmarkaana ay 4 kamid ah ay ahaayeen Reer Ayaanlle.
Dhamaan dhacdooyinkaasi waxaa ay dhacaayaan intooda badan kadib Magacaabistii Cali yare ee Gudoomiye K/X Gobolka Benadir. 20-kii sano ee lagu jiray dib u dhiska Soomaaliya majirto waqti sidaan oo kale Reer Ayaanle ay Soomartay islamarkaana si fudud lagu laayay Janan, saraakiil, Askar, Ganacsato iyo Shacab intaba.
Waydiintu waxaa ay tahay “ Weedhe iyo Magaca Dibiga Naasa Adaga Maxaa kulmiyay?

You might also like More from author