Madxweyne Farmaajo oo Sheegay in Calanka Hoos Loo-Dhigi Doono Muddo 3-cesho ah Geerida Madaxweyne Cali Mahdi.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxwrynaha Soomaaliya ayaa uga tacsiyadeeyey Umada Soomaaliyeed  geerida ku timid allaha u naxriistii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed.

Mudane Farmaajo ayaa yiri:- Innaa lillaahi wa innaa ileyhi Raajicuun.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee dalka Marxuum Cali Mahdi Maxamed.

Waa geeri xanuun badan oo si weyn ay u wada dareemeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya”.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Sheegay in muddo dhan 3-cesho dhan calanka loo dajin doono  geerida ku timid Madaxweynihii horre ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed.

Shalay Galab ayaa Madaxweynihii horre ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed uu ku Geeriyooday Dalka Kenya

BY MOHAMED YAHYE JIINOW

You might also like More from author