Madaxweynihii hore ee Zimbabwe Robert Mugabe oo geeriyooday

Madaxweynihii hore ee dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa geeriyooday isagoo 95 sano jir, kadib markii uu muddo xanuunsanaa.

Mr Mugabe waxaa xilka looga qaaday afgembi militari bishii November ee sannadkii 2017-kii, taas oo soo afjartay xukunkiisii socday in ka badan 30 sano.

Mugabe ayaa dhashay 21-kii February 1924, xilligaas oo Zimbabawe loo yiqiin Rhodesia, waxana in kabadan toban sano uu ku jiray xabsi kadib markii uu ka soo horjeestey caddaankii xukumayay dalkiisa sanadkii 1964.

Hase yeeshee Mugabe ayaa loo doortay 1973kii madaxweynaha xisbiga Zanu ee Zimbabawe kaas oo uu ka mid ahaa aasaasayaashiisa.

Rpbert Mugabe ayaa noqday Madaxweynihii ugu horeeyey ee dalka Zimbabwe kadib markii uu dalkaas xornimada ka qaatay dalka Ingiriiska 1980kii.

You might also like More from author