Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh oo baaq u diray Madaxda Dowladda

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxda Dowaldda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada waxaa uu ugu baaqay inay xaliyaan khilaafka siyaasadeed ee ka dhaxeeya.

Waxa uu sheegay in kulamadii ka dhacay Garoowe ay ahaayeen dadaal,isaga oo ku bogaaday Maamulka Puntland oo gogoshaas dhigay,hayeeshee uu sheegay in isfaham waagii dhacay aysan aheyn inay meesha ku dhamaatay.

Waxa uu ugu baaqay madaxda Dowladda Federaalka inay dadaal ku bixiyaan sidii xal looga gaari lahaa khilaafka kala dhaxeeya Madaxda Dowlad goboleedyada,isla markaana kii carooda ay soo celiyaan.

Hadalka Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh ayaa kusoo aadaya xilli weli uu jiro khilaafka u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada ka jira dalka.

You might also like More from author