Madaxweyne Xaaf oo kala Ceyriyay Xildhibaano ku shirayay Madaxtooyada

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Cadaado Ee Xarunta KMG Galmudug ayaa sheegaya in Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf uu Hakiyay Kulan ay yeelan lahaayeen Xubnaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo ka dhici lahaa Xarunta Madaxtooyada Galmudug.

Kulanka ayaa la sheegay in Xildhibaanada ay doonayeen in ay uga hadlaan Khilaafka u dhexeeya Madaxda Maamulka Galmudug oo ku kala Qeybsamay Go’aankii Madaxweyne Xaaf uu ka qaatay Khilaafka Wadamada Khaliijka.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in Madaxweynaha Galmudug uu amray in Albaabada la isugu dhufto Xarunta Baarlamaanka uu ku shiro,iyadoo uu sheegay in Xarunta Baarlamaanku uu ku shiro Quful lagu dhajiyay.

You might also like More from author