Madaxweyne Laga Helay Sabtidii shalay Cudurka Covid19

Madaxweynaha waddanka Argentina Alberto Fernandez ayaa waxa haleelay Cudurka Covid 19 sida ay xaqiijisey Madaxtooyada dalkaasi.

Shalay galabnimadii oo Sabti aheyd ayuu qaaday cudurka ka dib markii baaritaanka la mariyey.

Dadka ayuu ugu baaqay inay is dejiyaan oo xaaladiisa hadda ay wanaagsan tahay is karantiilna uu ku jiro.

Maalin ka hor ayuu 62 sano jir noqday,isagoo dadweynaha kula taliyey inay qaataan fariimaha caafimaad si looga hortego faafitaanka Cudurka corono.

You might also like More from author