Madaxweyne Laftagareen oo Amar siiyey Ciidamada Koonfur Galbeed

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa hambaliyo ku aadan Munaasabada Ciidul Fidriga u direy Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Reer Koonfur Galbeed Soomaaliya, isagoona Alle uga baryay in sanadkan sanadka xiga Bash Bash iyo Barwaaqo ku gaarsiiyo.

Dhanka Kale Madaxweyne C/Casiis aya bogaadiyay sida Ciidanka Habeen iyo Maalin ay ugu taagan yihiin Sugida Amniga si shacabka Nabad ugu cibaadeystaan,waxaana uu ka dalbaday inay Amniga sii adkeeyaan.

You might also like More from author