Madaxweyne Lafta gareen oo soo gaaray Muqdisho

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayey ayaa waxa uu maanta barqadii kasoo degay magaalada Muqdisho.

Si diiran ayaa wafdigaan loogu soo dhaweeyey Garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle iyadoo kadib loo galbiyey halkii loo diyaariyey.

Xubno ka mid ah wafdiga Lafta gareen ayaa waxay sheegeen inay ka qeyb geli doonaan shirka Wadatashiga doorashada ee la filayo inuu maanta ka furmo Muqdisho.

Waxa sidoo kale la filayaa inay Muqdisho soo gaaraan Siciid Deni,Axmed Madoobe iyo Cali guudlaawe,si loo bilaabo shirkii uu Ra’iisal Wasaare Rooble iclaamiyey.

Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha saraakiil katirsan waxay sheegeen in shirka uu si toos ah ufurmi doono Sabtida balse gelinka dambe maanta uu si hordhac ah shirka madaxda isku arki doonaan.

You might also like More from author