Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug Oo Ku laabtay Dhuuso mareeb
Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid oo Safar shaqo uga maqnaa Caasimada Galmudug ee Dhuusa mareb ayaa Maanta dib ugu laabtay Halkaasi.
Wafdigaasi markii ay tegeen Dhuusamareb waxaa Garoonka kusoo dhaweeyey Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal,Xubno katirsan Golaha Wasiiradda,Maamulka Caasimada iyo Bulshada qeybaheda Kala Duwan.
Intuu kusugnaa Madaxweyne Cali Daahir Ciid Dalka Itoobiya waxaa ku dhacay Cudurka Covid 19 iyadoo uu kasoo biskooday Caabuqaasi haleelay.
Howlaha maamulka ayuu Bil kadib ku laabanayaa shaqeynteeda,xilli Madaxweyne Qoor qoor uu Dhuuso mareeb ka maqan yahay Muqdishana ujoogo ka qeyb galka shirka Dawlada Federaalka,Dawlad Gobolleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.