Madaxweyne Farmaajo & Wafdi uu Hogaaminayo oo Maanta dalka ka Ambabaxaya

Maanta oo arbaco waxaa lagu wadaa inuu magaalada Muqdisho ay ka ambabaxaan Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxa ku wajahan yihiin Magaalada Khartuum ee caasimada dalka Suudaan, wuxuuna casuumaad ka helay Dhigiisa dalka Suudaan Cumar Xasan Al Bashiir.

Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya waxaa la sheegay in ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf garaad Cumar iyo Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka Abwaan Cabdi-dhuux Yuusuf Xasan iyo Xubno kale.

Maalmo ka hor ayaa Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu Safar ku tagay Boqortooyada Sacuudiga,waxaana Safarkaas uu ahaa kii Saddexaad ee Sacuudiga uu ku tago tan iyo Markii Madaxweynaha Soomaaliya loo doortay.

You might also like More from author