Madaxweyne Farmaajo oo Telephone kula hadlay Qaar ka mid ah Madaxda Wadamada Carabta iyo Africa.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Telephone kula hadlay Madaxda Wadamada Jabuuti, Uganda, Sacuudiga, Turkiga, Urdun, Qatar iyo Wadamo kale kuwaas oo la soo wadaagay Dhambaallo Tacsi ah kadib Xasuuqii ka dhacay Soomaaliya 14-kii Bishaan.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, Boqorka Urdun Cabdalla Binu Xuseen, Boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan Binu Cabdi Casiis, Dhaxal-sugaha Boqortooyada Maxamed Binu Salmaan, Amiirka Qatar Tamiim Binu Xamad iyo Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Ordugan ayaa Telephone u soo diray Madaxweynaha Soomaaliya waxayna la wadaageen sida ay ugu xun yihiin dhibkii dhacay.

Madaxweynaha ayaa uga mahad-celiyey madaxda la soo xiriirtay sida ay Soomaaliya ula qeyb-sanaayaan dareenkooda walaaltinimo iyo kan saaxiibtinimo waxaana la sheegay in uu ka codsaday in la taageero Dowladiisa si ay Al-Shabaab ugu adkaadaan.

Soomaaliya ayaa ku jirto Xaalad Murugo ah oo ay adagtahay sida looga soo kabto waxaana wali maskaxda Shacabka Soomaaliyeed ka sii Guuxaya Xanuunka In kabadan 300 oo qof oo ku dhintay Qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

You might also like More from author