Madaxweyne Farmaajo oo si deg deg ah uga hadlay Guusha Angela Merkel

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa hambalyo u diray Ra’iisul Wasaaraha dalka Jarmalka Angela Merkel taasoo markii Afraad ku guuleysatay doorashadda.

War Kooban oo uu soo dhigay Twitterkiisa ayaa sidaan u qornaa:

” Hambalyo Angela Merkel , waxaana ugu hambalyeynaaya guushaada Markii Afraad doorashadda dalkaas, waxaana naga dhaxeeya dowladda Jarmalka wada shaqeyn wacan”

Hogaamiyaha dalka Jarmalka Angela Merkel ayaa markii afaraad la doortay, ayadoo wajeheyso cadaadis uga imaanayo dadka ay wadaniyadda ku fogtahay.

Xisbigeeda muxaafidka ayaa natiijadii ugu xumayd ka helay doorashada muddo 70 sano ah, laakiin weli wuxuu haystaa aqlabiyadda baarlamaanka.

Xisbiga uu isbeheysiga kala dhexeeyay ee SPD ayaa sheegay in ay mucaarad ku noqonayaan dowladda cusub ka dib guuldarada taariikhiga ah.

Isbeheysiga ay wadaniyadda ku fogtahay ee AfD ayaa ku guuleystay kuraas badan, wuxuuna sidaas ku noqday xisbiga seddaxaad, arrintaas oo sababtay dibadbax.

You might also like More from author