Madaxweyne Farmaajo Oo Saxiixay Sharciga Jiheynta Doorashooyinka

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu habeenimadii Xalay saxiixay Sharciga Jiheynta Doorashooyinka Heer Federaal.

Sharcigaan oo 12-kii bishaan meel mariyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxa uu dalka uhorseedayaa in doorasho qof iyo cod ah loo diyaariyo muddo labo sano gudaheed ah.

Madaxweynaha ayaa rajeeyey in sharcigaan wax badan dalka ka badeli doono,isagoo ka mahad celiyey go’aanka Baarlamaanka ka qaateen khilaafkii hareeyey Doorashada iyo dib udhaca ku yimid xilligii loo ballansanaa.

Sharcigaan uu Farmaajo saxiixay ayaa muddo labo sano ah ugu daray in xukunka uu sii joogo,inkastoo fal celin badan ka timid iyo diidmo ah in la aqbali Karin doorasho hal dhinac ka raran in waddanka lagu hogaamiyo ama la meel mariyo go’aan Labada Aqal Baarlamaanka umideysneyn.

You might also like More from author