Madaxweyne Farmaajo oo Maanta u Dhoofaya Dalka Sacuudiga

Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Warbaahinta Xamarpost.com u xaqiijiyay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu Casuumaad Booqasho ah ka helay Boqortooyada Sacuudiga.

Qaban qaabada Safarka Madaxweynaha ayaa ka socota Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana la filayaa inuu Maanta ka dhoofo magaalada Muqdisho.

Dowlada Sacuudiga oo Soomaaliya ku cadaadineysa inay xiriirka u jarto Qatar ayaan la ogeyn sababta Casuumaad hada ugu fidisay Madaxweyne Farmaajo, laakiin wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in Mashaariicyadii Sacuudiga hore u balanqaaday lagu wargalinayo Madaxweynaha in dib loo bilaabayo, waxaana suura gal in Sacuudiga wax ka bedelaan Go’aankiisa ku aadan Xiisada Khaliijka.

Booqashadan ayaa noqoneysa midii labaad ee Madaxweyne Farmaajo ku tago Dalka Sacuudiga tan iyo markii la doortay.

You might also like More from author