Madaxweyne Farmaajo oo Deni ka codsaday in la daayo xubno ka tirsan guddiga dhismaha wadada bartamaha Bosaso

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la xiriiray madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka codsaday in uu si shuruud la’aan ah ku sii daayo xubno ka tirsan guddiga dhismaha wadada bartamaha Boosaaso oo laamaha amniga Puntland ay khamiistii xabsiga dhigeen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay aad uga xun tahay xubnaha ka tirsan guddiga dhismaha waddada bartamaha magaalada Boosaaso ee khamiistii xabsiga la dhigay isagoo madaxweynaha dowladda Puntland ka codsaday in xubnahaasi la sii daayo.

Sida ku xusan qoraal ka soo baxay Madaxtooyadda ayaa hoosta ka xarriiqay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay si siman dalka u gaarsiinayso dhammaan mashaariicda horumarineed oo lagu jaangoynayo qorsheyaasha heer Qaran iyo heer Dowlad Goboleed ee horumarinta iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah.

Sidoo kale wuxuu ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay u taagan tahay ilaalinta mabaadii’da aasaasiga u ah dowladnimada iyo xoojinta nidaamka Federaalka ah oo ku dhisan wadatashi, wadajir iyo qarannimo dhammeystiran.

Hadalka Farmaajo ayaa yimid maalmo uun kadib markii Ciidanka amaanka Puntland xabsiga dhegeen xubno ka tirsan guddiga dhismaha wadada bartamaha Boosaaso oo sida la sheegay dowladda Federaalka Soomaaliya ka guddoomay lacag loogu deeqay dhismaha wadadaasi balse aan soo marin nidaamka Maaliyadda Puntland.

You might also like More from author