Madaxweyne Farmaajo oo caawa Shacabka ujeedinaya Khudbad

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu jeedin doonaa Caawa Khudbad uu kaga hadlayo Xaalada guud ee dalka.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa daqiiqado ka hor waxay sheegtay in Caawa Khudbadaasi uu kaga hadlayo Farmaajo Doorashooyinka iyo Marxaladaha uu soo maray.

Isha ayaa waxa ku foogan Arintaasi waxaana la ogeyn khabarka uu shaacin doono Farmaajo marka loo eego Xaalada taagan.

Labo Arin Midood ayuu Farmaajo sheegi doonaa caawa oo ah:

1: In wada hadalkii uu ogolaaday oo shir kale la iskugu yimaado

2: In Xalka uu u arkay inuu is casilo isagoo dalka bad baadinaya.

You might also like More from author