Madaxweyne Deni oo magacaabis sameeyay
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa mas’uuliyiin cusub u magacaabay Ilaalada Cashuuraha ee Ciidanka Booliska iyo Qaybta Booliska Gobolka Karkaar.
G/sare Cabdiwaaxid Cabdille Warsame ayaa loo magacaabay Hogaanka Ilaalada Cashuuraha ee Ciidanka Booliska Puntland, halka G/sare Cabdirisaaq Faarax Warsame loo magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar.
Dhanka kale Madaxweynahana Puntland ayaa Cabdinaasir Maxamuud Daad u magacaabay Xoghayaha Guud ee Rugta Ganacsiga Puntland.
Hoos ka akhriso wareegtooyinka
Garoowe: 01 April 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 22 ee 31ka March 2022 kuna saabsan Magacaabis Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka karkaar iyo Hogaanka Ilaalada Cashuuraha.
Madaxweynaha Dowladda Puntland