Madaxweyne Axmed Madoobe oo Muqdisho soo Gaaray.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho waxayna ka qeyb galayaan Shirka Madaxda Qaranka iyo maamul Gobaleedyada ee Bari ka furmaya Muqdisho.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ku biiray Madaxnayaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho si ay uga qeyb galaan Shirka lagu xalinayo Khilaafka udhaxeeya Hogaamiyaasha Maamul Gobaleedyada iyo Madaxda Qaranka.

Shirka oo maanta la filiyay ayaa maalin dib u dhacay waxaana la sheegay in Maalinta biri ah uu ka furmayo Magaalada Muqdisho.

You might also like More from author