Madaxweynaha Uganda oo ku hanjabay in Ciidamadiisa uu kala baxayo Soomaliya

“Waan kala baxaynaa ciidammadeena Muqdisho haddii aan khilaafka la joojinin” Farmaajo iyo Rooble

Museveni ayaa ku hanjabay in ciidamadiisa qeybta ka ah howl-galka AMISOM uu kala baxayo Soomaaliya, sababo la xiriira khilaafka u dhexeeya Rooble & Farmaajo.

Sidoo kale wuxuu wareysiga uu bixiyey ku sheegay inuu ka daalay muranada siyaasadeed ee aan dhammaadka laheyn ee ka socda magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Madaxweynaha Uganda ayaa intaas kusii daray in hoggaamiyeyaasha Soomaalida looga baahan-yahay inay ka fakiraan, sida looga gudbi karo caqabadaha haatan taagan, si xal loogu helo khilaafaadka iyo is jiid jiidka weli ka jira qabsoomida doorashooyinka dalka

Uganda waa dalka ay Soomaaliya ka joogaan ciidamada ugu badan marka loo eego waddamada ee ku jira howl-galka nabad ilaalinta ee Ururka Midowga Afrika.

Hadalka Yoweri Museveni wuxuu ku soo aadayaa xilli ay horey kormeerayaasha caalamiga ah walaac xoogan uga muujiyeen khilaafka haatan u dhexeeya Farmaajo iyo Rooble.

You might also like More from author