Madaxweynaha Tanzania oo safar ku tagtay Maanta Dalka Kenya

Madaxweynaha Dalka Tanzania Samiya Suluxu Xasan ayaa waxa maanta oo talaado ah socdaal ku tagtay Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya.

Labo Maalin safar shaqo qaadanaya ayaa lagu sheegay Socdaalka Wafdigaan,waxaana si diiran loogu soo dhaweeyey markii ay ka degeen garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta.

Mudada ay Saamiya Suluxu kusugan tahay Dalka Kenya waxay kala hadli doonaa Madaxda Waddankaasi xiriirka kala dhaxeeya Xukuumada Nairobi iyo sidoo loo sii kordhin lahaa wada shaqeynta ku dhisan,Derisnimada,Walaanimada iyo wax wada qabsiga.

Saamiya Suluxu ayaa loo doortay madaxweynaha Cusub Dalka Tanzania 19-kii bishii Maarso kadib geeridii ku timid Madaxweynihii Waddankaasi John Magafuli.

You might also like More from author