Madaxweynaha Somaliland oo kusii jeedda Dubai

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa u duulay dalka Imaaraadka Carabta ka dib markii uu marti qaad ka helay Madaxda ugu sareysa dalkaasi.

Madaxweynaha ayaa safarkiisa waxaa ku wehliya qaar ka mid ah golahiisa wasiirada, dolwadda Imaaraadka ayaa madaxweynaha waxa ay u soo dirtay diyaarad gaar ah.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxaa la filayaa in madaxda Imaaraadka ay ka wada hadlaan dhameystirka arrinta ku saabsan heshiiska DP World.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale lagu waddaa in dhawaan  ay bilowdo Mashaariic kala duwan oo horay loogu ballanqaaday Somaliland.

Safarka madaxweynaha  iyo weftiga uu hoggaaminayaa ugu ambo-baxeen dalka isu-tagga Imaaraadka carabta, ayaa ah kii labaad ee uu dalkaas ku tago tan iyo intii uu hoggaanka  qabtay.

You might also like More from author