Madaxweynaha Somaliland oo Aaminay haweenka Amniga Somaliland ka shaqeeya.

Isagoo dar daaran ujeedinayey Madaxweyne Muuse Biixi Qaar ka mid ah Haween Booliska Soomaaliland ku biiray ayuu sheegay in ka shaqeynta Amniga ay muhiim tahay.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in Taliska Booliska uu soo dhaweenayo gabdhaha waxbartay ee dooranaya inay ka mid noqdaan Booliska si tababar ay uqaataan kadibna Shacabkooda ugu adeegaan.

Muuse Biixi ayaa waalidiinta qaar sheegay in iyagu Carruurtooda ay keenaan Kuliyadaha Booliska si ay uga mid noqdaan leyliga oo markii ay dhameystaana Dawladnimada ugu shaqeeyaan Dadkooda.

Waxa uu ugu dambeyn Madaxweynaha Soomaaliland ugu baaqay Haweenka inay laba jibaaraan ka mid noqoshada Ciidamada Booliska.

Shalay oo Axad aheyd ayaa waxa Madaxweyne Biixi waxa uu dalacsiiyey tiro ka mid ah Haween Booliska Tababar qaatay kuwaas oo darajooyin lagu tixay .

You might also like More from author