Madaxweynaha Somaliland iyo weftigii Uu Hoggaaminayo oo gaaray Dalka Jabuuti.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey ayaa  gaaray Magaalada Casimada u ah Dalka Jabbuuti.

Madaxweynaha Somaliland waxaa  madaarka diyaaradaha ee dalka Jabbuuti  ku soo dhaweeyey Wasiirka Arrimaha Gudaha, dalka Jabuuti Siciid Nuux Xasan, wasiirka Ganacsiga Maxamed Warsame Diiriye iyo Wasiirka Warfaafinta Ridwaan Cabdilaahi Bahdoon, Waxaana Soo dhaweeynta kadib loo gelbiyey Qasriga Madaxtooyada Dalka Jabuuti.

Wafdiga oo ay qeeyb ka yihiin Masuuliyiin ka tirsan Soomalind uuna Hoggaaminayo Madaxweynaha Somaliland ayaa maalmaha Soo aadan ku sugnaan doona Dalka Jabbuuti, iyagoo kulamo kala duwan la qaadan doona Madaxda dalkaasi Jabuuti.

You might also like More from author