Madaxweynaha Puntland oo maanta furay kalfadhiga 40aad ee Baarlamaanka Puntland

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta furay kalfdhiga 40aad ee Golaha Baarlamaanka Maamulka Puntland.

Kulankan waxaa sidoo kale ka qeybgalay Guddoomiyayaasha Golaha shacabka iyo aqalka sare ee Soomaaliya,kuwaas oo xalay ku hoyday Garoowe.

Madaxweyne Gaas ayaa Khudbadda uu ka jeediyay golaha Baarlamaanka Puntland waxaa uu kaga hadlay amniga,dhaqaalaha,arrimaha gudaha Puntland iyo Nidaamka Federaalka Soomalaiya.

Guddoomiyah Baarlamaanka Maamulka Puntland Axmed Cali Xaashi oo madasha ka hadlay ayaa ku baaqay in xeerarka dalka ay noqdaan kuwo laga wada tashto oo la isku raaco.

Guddoomiyayaasha labada aqal ee Federaalka kuna sugan Garowe ayaa iyagana hadallo ka jeediyay madasha furitaanka kalfadhiga 40aad ee Golaha Baarlamaanka Maamulka Puntland.

You might also like More from author