Madaxweynaha Puntland Oo Maanta Dib Ugu Laabtay Magaalada Garoowe

Madaxweynaha  Puntland oo safar shaqo ugu maqnaa dalalka Kenya iyo Imaaraadka Carabta  ayaa dib ugu laabtay Magaalada Garoowe.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa waxaa Garoonka uga hortegay oo kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan labada Golle ee Puntland, waxaana intaas kadib loo gabiyey  dhinaca Xarunta Madaxtooyada Garoowe.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Saciid Cabdullaahi Deni inta uu ku sugnaa dalalka Kenya iyo Imaaraadka Carabta uu kulamo lasoo qaatay Mas’uuliyiin kamid  ah dowladdahaas oo uu kasoo hadlay ololaha doorashadiisa.

Madaxweynaha Puntland oo ah  Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona Golihiisa Wasiirada, iyagoona iska xog-wareysan xaaladihii ugu dambeeyay ee deegaanada Maamulka.

Madaxweyne Saciid  Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa in uu dhowaan uu u soo ambabaxo magaalada Muqdisho, isla markaana uu qorsheynayo inuu ka bilaabo ololaha doorashada Madaxtinimada Soomaaliya.

You might also like More from author