Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo la Kulmay Madaxda Midowga Musharaxiinta

Waxaa magaalada Muqdisho maanta shir ku yeeshay madaxweyneyaasha dowlad-gobolleedyda Jubbaland, Puntland iyo musharixiinta xilka madaxweyne, kaasi oo ka qabsoomay hotel ku yaal xirada Xalane.

Kulanka oo saacado qaatay, ayaa waxaa looga hadlay muranka doorashada iyo sidii dalka uga dhici laheyd doorasho lagu wada qanacsanyahay.

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in kulanka la is afgarad lagu gaarey, isla markaasna guul uu ku soo dhammaaay.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu boggiisa Facebook ku soo daabacay ku yiri:

“Midowga murashaxiinta ayaa kulan miradhal ah la qaatay labada madaxweyne ee dawlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland. Waxaan ka wada hadalnay sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho loo simanyahay, la isla ogolyahay, si nabad ah ku dhacda. Mowqifka ay labada madaxweyne ku dheelitirayaan miisaanka siyaasadeed wuxuu dalka ka badbaadiyey halis lagu damqin karo boogo aan weli bogsoonin.”

Shirkaan ay yeesheen Madaxda ayaa ku soo aadaya, xilli dhowaan la filayo in magaalada Muqdisho uu ka furmo shir looga hadlayo doorashada kaasi oo ay ka qeyb gallaan madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad-gobolleedyada iyo gobolka Banaadir.

Madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa dhowr jeer sharuudo ku xiray, shirar uu ku dhowaaqay madaxweyne Farmaajo.

BY: MOHAMED YAHYE JIINOOW

You might also like More from author