Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay Qaraxa lala beegsaday Kolonyada uu socday

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay qarixii maanta kulanyo uu la socday lagula eegtay afaafka hore ee Kontrolka laga soo galo magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha ayaa u tacsiyeeyay ehelada laba askari oo la socday Wefdiga, kuwaasi oo qaraxa ku geeriyooday.

“Waxaan Ciidamada Madaxtooyada Puntland iyo guud ahaan Ciidamada Daraawiishta uga tacsiyeynayaa geerida Alle Ha’unaxariiste Cabdullaahi Maxamed Shafeec iyo Maxamed Axmed Cabdullaahi oo ka tirsana Ciidamada Madaxtooyada, Waxay ahaayeen geesiyaal naftooda u huray dalkooda iyo dadkooda,alle waxaan uga baryayaa inuu janadii geeyo, ehelkoodiina samir iyo iimaan uu kasiiyo. Sidoo kale waxaan intii dhaawacantayna alle uga baryayaa in uu u boogga dhayo. Aamiin” ayuu yiri Deni

Qaraxa oo ahaa nuuca miinada dhulka la geliyo ayaa waxaa ku dhintay laba askari, halka afar kalena ay ku dhaawacmeen.

Mas’uuliyadda weerarka waxaa sheegtay Ururka Al-shabaab.

You might also like More from author